Puntland oo siidaysay dhalinyaro lagu qabtay hawlgallo ka dhacay Boosaaso.

20 May, 2026

Dowladda Puntland ayaa xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal-Garoowe ka siidaysay dhalinyaro bilowgii bishaan lagu soo qaqabtay…

Dowladda Puntland ayaa xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal-Garoowe ka siidaysay dhalinyaro bilowgii bishaan lagu soo qaqabtay hawlgallo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xaurnta gobolka Bari.

Dhalinyaradaan oo ku eedaysnaa falal ammaan xumo, burburin hanti dadweyne, furasho mobile iyo fawdo ka dhacday furitaankii koobka caasimadaha Cal-miskaad ayaa lagu sii daayey amar ka soo baxay guddiga amniga gobolka Bari.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid iyo qaar ka mid ah waalidiinta dhallinyarada oo soo gaarey Garoowe ayaa sheegay in tallaabaaan loo qaaday turriimo dadweyne maadaama qaar kood ahaayeen arday waxbarata.

Taliska ayaa sheegay in dhalinyaradaan oo koox koox u abaabulnaa ay ka raystay Magaalada Boosaaso, iyadoo dammaanad looga qaaday waalidiintooda in ciddii rabsho dambe ama fal dame lagu qabto tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.