Madaxda ugu sarraysa dowladda Puntland, ayaa maanta Magaalada Garoowe kaga qaybgalay xuska sanad guuradii 28aad ee…

Madaxda ugu sarraysa dowladda Puntland, ayaa maanta Magaalada Garoowe kaga qaybgalay xuska sanad guuradii 28aad ee ku beegan aasaaskii dowladda Puntland 1-dii Agoos sanadkii 1998.
Bandhig ballaaran oo ka dhacay fagaarayaasha Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qaybgalay ciidamada qalabka sida, shaqaalaha dowladda, shaqaalaha rayidka ah iyo kumanaan kamid ah shacabka kunool Magaalada Garoowe iyo qaar ka yimid gobolada Puntland.




