Puntland oo soo bandhigtay laba horjooge oo katirsan Daacish.

6 April, 2025

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee qaybta ka ah hawlgalka Hillaac oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin dowladda…

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee qaybta ka ah hawlgalka Hillaac oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin dowladda katirsan ayaa deegaanka Buruc ee gobolka Bari ku soo bandhigay 2 horjooge oo katirsanaa kooxda Daacish.

Labadaan xubnood iyo mid kale oo israsaasayn ku geeriyoodey ayaa Jimcadii la soo dhaafay lagu qabtay buuraleeyda Buruc, waxaana ugu dambayn lagu soo wareejiyey taliska Buruc, sida uu warbaahinta u sheegay xildhibaan Maxamed Siciid Qoslaaye oo katirsan barlamaanka Puntland.

“Waxay ahaayeen saddex nin oo labada halkaan fadhiyaa kamid yihiin, markii ay ciidanku la soo wareegeen oo marayeen meel magaalada ujirta 300M ayaa waxaa wadada u galay dhawr nin oo malayshiya beeleed ah oo aan ciidanka dowladda qayb ka ahayn, ninkii taliyaha sheegtay ee boqol jiraw oo sheegay in istaafkaygu dileen waa wax lala yaabo aniga istaafkaygu waa saddex ama labo waxna ma dilin”, Ayuu yiri xildhibaan Qoslaaye.

Dhanka kalena, xildhibaanka ayaa sheegay,”Ninkaas hadlay iyo rag uu wato ayaa weeraray oo rasaas ku furay ciidankii wadey qorshohooduna wuxuu ahaa inay dhammaantood dilaan”.