Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ku soo bandhigtay maxaabiistii Daacish ee lagu qabtay dagaaladii sanadkii 2025…

Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ku soo bandhigtay maxaabiistii Daacish ee lagu qabtay dagaaladii sanadkii 2025 ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Maxaabiista la soo bandhigay magacyadooda iyo wadadamada ay ka soo jeedaan ayaa u kala dhashay dalalka Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya.
Tirada ugu badan ee maxaabiista la soo bandhigay ayaa u dhashay wadanka ay Somalia deriska yihiin ee Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigay dowladda Puntland.
Halka dalalka Yemen iyo Tansaaniya ay ku jiraan kaalimaha ku xiga. Qaarada Yurub waxaa kaga jira dalka Turkiga oo ay ka soo muuqdeen labo xubnood oo dalkaas u dhashay.






