Puntland oo soo bandhigtay meydad iyo hub loogu tegey saldhigyadii Daacish.

28 March, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey saldhigyadii lagu duqeeyey kooxda Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad, halkaas oo…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey saldhigyadii lagu duqeeyey kooxda Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad, halkaas oo ay kula kulmeen meydad, hub, burbur soo gaarey nabaddiidka iyo waxyaabo kale.

Saraakiisha hoggaaminaysa guutada 2aad ee hawlgalka Hillaac ayaa warbaahinta la wadaagey dhammaan macluumaadkii loogu tegey saldhigyada oo ay ka muuqdeen burbur xooggan intii ka badbaadey duqayntana isaga carartay.