Puntland oo soo bandhigtay meydadka ajaaniib katirsan Daacish.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli sii wada hawlgalka ay ku ciribtirayaan firxadka Malayshiyaadka Daacish ee…

6 July, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli sii wada hawlgalka ay ku ciribtirayaan firxadka Malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-miskaad.

Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ayaa deegaanka lagu magacaabo Dhariinta Dacaro ku soo bandhigay meydka 7 nin oo ahaa ajaaniib ku soo duushey Puntland.

“Halkaani waa Dhariintii Dacaro waxaad arkaysaanna waa meydadka 7 nin oo caddaan ah oo ay xitaa awoodi waayeen inay aastaan isla markaana goobta uga carareen, si ay naftooda u badbaadsadaan”, Ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidanka difaaca dwoladda Puntland.