Puntland oo soo bandhigtay meydadka Daacish lagu diley Cal-miskaad.

15 May, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira hawlgalka Hillaac ayaa soo bandhigay meydadka xubno katirsanaa kooxda nabaddiidka…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira hawlgalka Hillaac ayaa soo bandhigay meydadka xubno katirsanaa kooxda nabaddiidka ah ee Daacish oo lagu diley hawlgalladii ugu dambeeyey ee Cal-miskaad.

Meydadkaan oo u badnaa ajaaniibta lagu soo qalday Puntland ayaa lagu diley hawlgallo qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen qaybo kamid ah togga Miiraale, iyadoo lagu raad joogo firxadka kooxdaasi, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Hillaac.

Afhayeenka hawlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Faadhigo oo waraysi bixiyey ayaa sheegay in hawlgalladdii dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu diley in ka badan 20 xubnood oo katirsan nabaddiidka Daacish.

Waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe aysan ciidanku qaadin dagaalo toos ah maadaama lagu jirin sahminta dhulka, helidda macluumaadka firxadka Daacish iyo diyaar garawga qaybaha ugu dambeeya ee hawlgalka.