Puntland oo soo bandhigtay tirada goobaha waxbarashada iyo ardayda dhigata.

25 June, 2025

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Fu’aad Abshir Adeer ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hanaanka waxbarashada…

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Fu’aad Abshir Adeer ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hanaanka waxbarashada ee guud ahaan deegaamada Puntland.

Wasiir Adeer ayaa sheegay in waxbadan iska bedeleen waxbarashada Puntland ayna si sanadle ah u kordhaan ardayda xaadiraysa goobaha waxbarashada kala duwan ee kuyaalla Puntland.

“Markii dowladdii burburtay dugsiyada Puntland waxaa ku yaallay guud ahaan 38 dugsi iyo farsamada gacanta ah, jaamacadana maba jirin. Hadda oo la joogo waxaa jira 54 xarumood oo xanaano ah, 933 dugsi hoose dhexe, 186 dugsi sare, 22 xarumood oo farsamada gacanta ah iyo 21 jaamacado iyo kolleejis isugu jira”, Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland.