Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Puntland ayaa shaacisay saadaasha xilli roobaadka Gu’ga ee…

Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Puntland ayaa shaacisay saadaasha xilli roobaadka Gu’ga ee sanadka 2026, xilli ay abaar baahsan kajirto guud ahaan deegaamada Puntland.
Roobka ka sarreeya caadiga: Deegaannada ay ka midka yihiin Buuhoodle, Garoowe, Laascaanood, Burtinle, Xudun, Dhahar, Galdogob, Galkacyo, Ceerigaabo, iyo Iskushuban waxaa laga filayaa fursad ka sarreysa 40% inay helaan roobab ka badan xaddigii looga bartay.
Deegaannada kale: Inta kale ee Puntland waxaa loo saadaalinayaa 30% fursad ah roob caadi ah iyo 30% fursad ah roob ka yar sidii caadiga ahayd.
Xaaladda La Niña: Waxaa jira 75% fursad ah in xaaladdu isu beddesho xaalad dhex-dhexaad ah (ENSO-neutral) inta lagu jiro bilaha Jilaalka, taasoo la filayo inay sii socoto xilliga Gu’ga.
Heer-kulka: Inta badan deegaannada Puntland waxaa laga filayaa kor u kac heer-kulka ah oo ka sarreeya sidii caadiga ahayd (in ka badan 60% fursad ah).
Biyaha: Waxaa jiri kara uumi-bax xooggan oo ku dhaca ilaha biyaha iyo cowska, taas oo keeni karta inay yaraadaan biyaha ceelasha iyo dhul daaqsimeedka.





