Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday shacabka Puntland ee kunool dalka iyo dibadda in la soo dedejiyo taakulaynta ciidanka dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey dagaalka ay ciidanka dowladdu kula jiraan kooxda Daacish ayaa muujiyey sida ay xukuumaddu ugu baahan tahay taageero dhaqaale si loogu kabo qorshaha dowladda ee dagaalada ka socda buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay qurbajoogta iyo dhammaan shacabka Puntland inay dedejiyaan abaabulka kaalmada ay ku garab istaagayaan ciidamada, maadama ay xukuumadda iyo shacabkeedu ku keliyeysteen dagaalka sida uu hadalka u dhigay.
“Qurba joogta reer Puntland ee ku hawlan sidii ay ciidanka u garab istaagi lahaayeen inay soo dedejiyaan hawlaha ay kujiraan shirarka badan inta joojiyaan ay ficil u bedelaan, xaalad adag bay Puntland kujirtaa ay keli ku tahay,” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumaddu dhaqaale badan ku bixisay sahayda ciidan, hubka iyo daaweynta dhaawacyada uusanna dagaalku ujoogsan doonin sugitaanka taageero banaanka ah.
“Dagaal weeye waqti buu qaadan karaa, hawl culus baa socota kharash aad u badan ayey dowladdu ciidankaas la garab taagan tahay hadday, hadday tahay saanad, sahay, dhaawac iyo daweyn, waxaan u baahanahay garab istaaggiina, Puntland iyada ayaa isku tashatay iyada iyo shacabkeeda, ciddii wax nagu biirinaysa diidi mayno waa soo dhaweynaynaa laakiin cidbaa wax nataraysa gacmaha u laaban mayno,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo u mahadceliyey dowladaha kaalinta ka geystey duqaynta godadka argagixsada ayaa yiri,”Waxaan uga mahadcelinaynaa intii ka qayb qaadatay dagaalka oo ay kujiraan dowladaha naga taageeray duqaymaha oo ah hawl muhiim ah laakiin shaqo yar ah marka loo fiiriyo nafta la hurayo, ciidanka jooga, hubka yaalla, dhaawaca la guraayo cid Puntland intaas ka taageertay maleh xabad kiniin ahna ha noqotee”.