Puntland oo soo dhoweysey dad la shaqayn jirey Daacish oo isa soo dhiibey.

4 March, 2025

Qoraal ka soo baxay hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in la soo…

Qoraal ka soo baxay hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in la soo dhoweeyey Soomaali la shaqaynaysay kooxda Daacish oo isa soo dhiibey kana faa’iidaystey cafis uu fidiyey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

HOOS KA AKHRISO

Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’ideystay 7-da cisho ee fursada Cafis ee Madaxweynuhu u fidiyey cidkasta oo la shaqeynaysay Argagixisada Daacish ee kasoo laabanaysa fekerkaasi, waxaa sidoo kale aan boggaadinaynaa xubnaha dadkaasi ku metela Dowladda iyo waxgaradkooda oo u fududeeyay fursadan.

Dadka intii kale ee aan xiriir soo sameyn fursadu weli waa u furantahay wakhtiga ka harsan, Asbuucii lasiiyey ee loo qabtay. Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waa mid soconaya illaa guud ahaan Puntland oo dhan laga ciribtiro Argagixisada, waxaan u mahadcelinaynaa Shacabkeenna si walbo u garab taagan Ciidanka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah ee soo gudbinaya firxadka Argagixisada iyo cidkasta oo ay ka shakiyaan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis ku siman muddo 7 cisho ah u qabtay xubnaha Soomaalida ah ee la shaqeeya kooxda Daacish, wuxuuna sidoo kale ugu yeeray kooxaha ajaaniibta ah inay dalalkooda ku celin doonaan haddii ay isa soo dhiibaan.