15 March, 2025
Waxaa xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ka dhacay kulan looga hadlay amniga guud ee gobolka gaar ahaan Boosaaso, waxaana laga soo saaray amaro cusub.

Kulanka waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Saciid Shaahdoon, waxaana qayb ka ahaa Duqa Degmada Boosaaso Cabdifataax Maxamed Cismaan Shanle, Taliye Xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari G/dhexe Khaalid Maxamed Cabdiraxmaan Ukun iyo saraaiil ciidan.
Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa kulanka, Wasiirka duulista hawada Cabdulaahi Bille Nuur iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dowlada Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed.
Amarada kasoo baxay shirka waxay kala yihiin:
- Waxaa la amray in askari aan hawlgal shaqo ku jirin inuu qori magaalada la dhexmari karin.
- In lasoo qabto ciyaal weerada dhibka ku haya Xaafadaha, waalidintuna aanay ka daba imaan karin kuwa maandooriyaha isticmaala ee amniga khalkhal gelinaya.
Horseed Media