Puntland oo suxufiyiin ajaaniib ah geysey furimaha dagaalka Cal-miskaad.

22 November, 2025

Wasiirka Wasaarada Amniga & DDR-TA Dawladda Puntland Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin), ayaa Deegaanka Dhadaar ee degmada…

Wasiirka Wasaarada Amniga & DDR-TA Dawladda Puntland Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin), ayaa Deegaanka Dhadaar ee degmada Qandala gobolka Bari kusoo dhaweeyay Weriye Thomas Graham oo ka socda Wargayska The Times oo kasoo kicitimay dalka Ingiriiska.

Wargayska The Times ayaa lagu asaasay London Sanadkii 1785 , isagoona kamid ah wargeysyada ugu faca weyn uguna saameynta badan dunida, waxaana muddo ka badan laba qarni uu door weyn ku lahaa saxaafadda arimaha Amniga, siyaasadda, iyo ra’yiga bulshada ee Britain iyo daafaha caalamka, Weriye Thomas ayaa warbixino iyo barnaamijyo kale duwan ka diyaarinaya deegaanada iyo dadka ku nool Deegaanada dhaca buuraha Calmiskad ee gobolka Bari.

“Waxaa illhy mahadiis ah in Deegaanka Dhadaar aan marti kala duwan kusoo dhaweeyo iyadoo amni ah, dadkii kusoo laabteen, arimihii bulshada ay dawladdu ka wado, farxad wayn ayayna nootahay in calmiskad oo Amni ah dawladii ay joogto ay warbaahinada caalamku nagu soobooqdaan iyagoo aduun waynaha gaarsiinaya Puntland oo Argagixisada isaga filnaatay amni ah, waa illhy mahadiis in calmiskad ay nabad tahay maalmihii ugu dambeeyayna aan marti Kala duwan kusoo dhawayno”.

Ugu dambeyntii wasiirka Amniga Puntland Ibrahim Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin), waxaa kulankan ku weheliyay Hogaanka Sirdoonka Ciidanka Daraawiishta Puntland, qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo PMPF, iyo Waxgaradka deegaanka Dhadaar.