Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa soo dhaweeyey go’aankii isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo…

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa soo dhaweeyey go’aankii isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ka qaateen shirka dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO.
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Qarraaje ayaa lagu sheegay in go’aamada isimadu ay daliil u yihiin in shacabka goboladaasi ay kamid yihiin Puntland aysanna waxba kajirin sheegashooyinka xubnaha gaarey Laascaanood.
Waxaan isimada sharafta leh uga mahadcelinyaa doorka Shariifka ah ee ay ku leeyihiin nabadgelayada iyo difaaca goboladaaas, waxaan Sidoo kale u mahadnaqayaa guud ahaaan 𝒃𝒖𝒍𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂, 𝒄𝒖𝒒𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂, 𝒘𝒂𝒙𝒈𝒂𝒓𝒂𝒅𝒌𝒂, 𝒅𝒉𝒂𝒍𝒊𝒏𝒚𝒂𝒓𝒂𝒅𝒂, 𝒎𝒂𝒂𝒎𝒖𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝒊𝒚𝒐 𝒄𝒊𝒊𝒅𝒂𝒎𝒂𝒅𝒂 𝒈𝒐𝒃𝒐𝒍𝒂𝒅𝒂 𝑺𝒂𝒏𝒂𝒂𝒂𝒈 𝒊𝒚𝒐 𝑯𝒂𝒚𝒍𝒂𝒂𝒏, sida ay isaga difaaceen ugana hor yimaadeen faragelintii, Kala qaybintii iyo amni daradii la damcay in loo soo xawilo.
Dadka gobolada Sanaag iyo Haylaan waxay si cad u diideeen shaqsiyaaad Dano shaqsi oo hoosseeya leh inay waxyeelaan amnigooda, midnimadooda iyo horumarkoooda.
Waxaaan si buuxda u qaadaynaa talo soo jeedinta 𝐈𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 iyo Guud ahaaan 𝐂𝐮𝐪𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 iyo 𝐖𝐚𝐱𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 Gobolka, waxaana ka shaqayn doonnaa in la xoojiyo 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 iyo 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 goboladdaas.
Cidna lagama yeeli-doono inay waxyeelayso dowladnimada iyo horu-socodka bulshada, dadka anagaa metelna, sharafkooda iyo Danahoodana ka shaqayna, kana shaqayn doona.
Guud ahaan dadka reer Puntland waxaan u rajaynayaaa midnimo, wadajir, iyo in ay Gacmaha is qabsadaaan.



