Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, xubno ka socday Golaha Wasiirrada Dowladda…

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, xubno ka socday Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa tababar u soo xiray garsoorka iyo xeer ilaalinta qalabka sida ee Puntland.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta, xirfadaha, iyo hufnaanta bahda Garsoorka Ciidamada qalabka sida, si loo xoojiyo nidaamka caddaaladda iyo sareynta sharciga.
Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta iyo tababarada joogtada ah ee lagu horumarinayo hay’adaha Garsoorka, si loo helo hannaan caddaaladeed oo hufan, daahfuran, isla markaana si daacad ah u adeega bulshada.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan amar ku siiyey garsoorka ciidamada inay xukumo adag ku ridaan dhammaan maxaabiista Daacish iyo cidkasta oo lagu helo inay xiriir la leeyihiin.




