Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Gaashaanle sare Maxamuud Shire Maxamed oo ka tirsanaa Ciidanka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Gaashaanle sare Maxamuud Shire Maxamed oo ka tirsanaa Ciidanka Badda iyo Barriga Puntland ee PMPF u magacaabay Taliyaha aagga buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Sarkaalkaan oo hadda ahaa taliyaha ururka 1aad ee Kumaandooska PMPF ayaa loo xilsaaray hoggaaminta, howlgelinta iyo maamulka ciidan Puntland ee ka sugan guud ahaan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, sida lagu sheegay bogaadin lagu daabacay barta PMPF.
“Qoraal ka soo baxay Taliska guud ee PMPF ayaa lagu sheegay in sarkaalkaani loo magacaabay,“”Taliska Guud ee Ciidanka Badda iyo Barriga Puntland ee PMPF, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diraya Gaashaanle Sare Maxamuud Shire Maxamed, oo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland (CDP) ee Aaga Calmiskaad”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska PMPF.
Qoraalka PMPF ayaa lagu bogaadiyey waajibaadkii hore ee salkaalkaan oo muddo ka dagaalamayey buuraleeyda Cal-miskaad,“Taliye Maxamuud Shire, oo hadda ahaa Taliyaha Ururka 1-aad ee Kummandooska PMPF, waa sarkaal muddo dheer ka soo shaqeynayay difaaca iyo sugidda amniga dalka, laguna yaqaan geesinimo, daacadnimo iyo naf-hurnimo. Intii uu xilalka kala duwan soo hayay, waxa uu muujiyay hoggaan adag, xirfad ciidan oo sare, iyo karti uu ku maareeyo hawlgallada adag ee ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah amniga”.



