Puntland oo tallaabo ka qaadaysa dadka jarada fiilooyinka internetka xambaara.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin culus ka soo saaray dadka caadaystay waxyeelaynta tuubooyinka xambaara…

26 September, 2025

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin culus ka soo saaray dadka caadaystay waxyeelaynta tuubooyinka xambaara Internet-ka ee shirkadaha isgaadhsiintu ka hirgeliyeen laamiga dheer ee gobolka.

Duqa degmada Galkacyo, Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug iyo guddoomiyaha gobolka Mudug oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Galkacyo ayaa sheegay inaan wixii hadda ka dambeeya loo dulqaadan doonin falalka lagu beegsanayo shirkadaha isgaadhsiinta.

Mas’uuliyiinta ayaa amar ku siiyey laamaha ammaanka gobolka Mudug inay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda inay ku kacdo falkaasi sharciga hareermarsan isla markaana waxyeelaysa internetka gobolka Mudug.

Waxa ay ku wargeliyeen odayaasha dhaqanka iyo horjoogayaasha beelaha inay gacmaha qabtaan dhalinyarada habka qabaa’ilka u abaabulan ee falalkaasi ku kacda aysanna hadhaw ka daba imaan wixii soo gaara.