Puntland ayaa dowladda Turkiga ku eedeysay inay ku lug leedahay duqeymo dhowaan ka dhacay xeebaha gobolka…

Puntland ayaa dowladda Turkiga ku eedeysay inay ku lug leedahay duqeymo dhowaan ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, xilli burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen markabka M/V LUTUF oo lagu soo warramay inuu siday hub iyo qalab ciidan oo Turkish ah.
Wasiir-ku-xigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa BBC Newsday iyo BBC Somali u sheegay in Puntland ay aaminsan tahay in Turkigu ka dambeeyo duqeymaha, isagoo sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay qayb ka tahay xaaladda ka dhalatay afduubka markabka.
Dhanka kale, dowladda Turkiga waxay BBC u sheegtay inaysan hayn wax xog ah oo ku saabsan duqeymaha, halka warar kale ay sheegayaan in maraakiib, diyaarado helicopter ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Turkish ah lagu arkayay agagaarka M/V LUTUF.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay horey uga warqabtey howlgalka, iyadoo su’aal gelisay in dadka la dilay ay ahaayeen kalluumaysato ama ay katirsanaayeen kooxaha burcad-badeedda ah ee qafaalka u haysta maraakiibta caalamiga ah.




