Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi (Xaad), ayaa ka jawaabey hadalo ka soo yeeray…

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi (Xaad), ayaa ka jawaabey hadalo ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiir Xaad, ayaa ugu horrayn sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu munaasabadda ka sheegay hadalo ay laxankooda iyo ereyadoodaba la haayeen shaqsiyaad kale, sida uu hadalka u dhigay uusanna Matalin reer Puntland oo muddo xileedkiisu dhammaaday.
“Hadallada ka soo yeeraya Xamse Cabdi Barre ee uu lee yahay ciidamo ayaan Puntland ka qoranaynaa, saddexdii askari ee la qorayoba midbaa reer Puntland noqonaya waa hadallo loo soo minguuriyey oo laxankooda iyo mirohoodaba ay qolo kale lahaayeen”, Ayuu yiri Wasiir Farxaan Cali Xaad.
Wasiirka ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Ra’iisul Wasaare Xamse uu maanta sheegtay inuu matalo reer Puntland isagoo aan wax taageero ah siin xilligii ay shacabka iyo dowladda Puntland dagaalka kula jireen kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Daacishta ku dhuumaalaysanaysa buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
“Waa nasiib-darro in Xamse uu shacabka Puntland ka gado inuu isagu yahay Mas’uul matala xagee jirey xilligii ay reer Puntland la dagaalamayeen argagixisada caalamiga ah ee weerarka ku soo qaadday, ma wuxuu ka maqnaa dalka maanta oo muddo xileedkiisii dhammaday maxay tahay miyuu noqday wakiil matala Puntland iyo shacabkeeda”, Ayuu yiri Wasiir Xaad.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ku taagan tahay dastuurkii lagu heshiiyey uuna dhammaaday muddo xileedkii Hay’adaha dowladda oo ku-ekaa 15-kii May 2026, aysanna Puntland aqoonsanayn Dowlad sharci ah oo xilligaan kajirta Somalia, isagoo ku eedeeyey Villa Somalia kala fogaynta umadda Soomaaliyeed.
Ugu dambayntiina, Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay amar ku qabaan inay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo khalkhalgelinaysa ammaanka Puntland, wuxuuna xusay inaan la aqbali doonin inay Puntland soo gasho cid amnigeeda wax u dhimaysa.
“Qolyaha Xamar mushaharka looga soo diray waa ogyihiin qiimaha Puntland waxbadanna waxaan ku tuhmaynaa inaysan dhib u geysan doonin Puntland, ciidamada Puntland-na waa faran yihiin inay ammaanka sugaan, cidkasta oo khalkhalgelinta ammaanka Puntland qayb ka noqonaysa habayaraatee masoogeli karto Puntland”, Ayuu yiri Wasiirku.




