Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Ilyaas Lugatoor Gebiley ayaa ka hadlay xaaladda deegaamada SSC…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Ilyaas Lugatoor Gebiley ayaa ka hadlay xaaladda deegaamada SSC KHATUMO iyo tallaabadii ay DFS lacagta ugu xidhay ardayda waxka barata deegaamada maamulkaasi.
Ugu Lugatoor ayaa dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee deegaamada SSC KHATUMO, wuxuuna sheegay in hoggaanka maamulkaasi uu masiirkii umadda gacanta ugeliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna soo jeediyey in shirka isimadu ku baaqeen lagu xalliyo arrimaha masiiriga ah.
“Labadii sano ee ugu dambaysay waxaa muuqata in fursad aan u weyney kuwii mas’uuliyadda qaadayna ay dayeceen, waxaa nasiib darro ah wixii fursadahaa ee sanadkii hore inay ka qadeen, sanadkaan hoggaankii wuxuu ka bixi waayey durbaanka Xasan Sheekh iyo xisbigiisa inay u ololeeyaan”, Ayuu yiri Lugatoor.
“Waxaan rajaynaynaa reer KHATUMO in shirka soo socda mustaqbalka iyo siyaasadda si sax ah loo maareeyo, waxaan degmada Taleex u haynaa $3.5 Million oo waxbarasho ah, waxaannu gobolka Cayn u haynaa $7 Million oo waxbarashada loogu talagalay”, Madaxweyne Lugatoor.
Ugu dambayntiina Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa farriin u diray ardayda Puntland,“Alle haydinku guuleeyo Imtixaanka waxaad soo muujiseen dedaal iyo dhabar adayg mudadii aad kusoo jirteen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan tayadiisu sarayso laguna saleeyey Manhajka Dowladda oo u dhigma kuwa dunida”.