Dowladda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka waddo Koonfurta Soomaaliya, kadib markii…

Dowladda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka waddo Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay shalay la wareegtey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in xaaladda amni ee ka sii daraysa ee gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, si loo helo gorshe mideysan oo lagu wajahayo halista kooxda Al-Shabaab.
“Argagixisadu meel walbo oo ay joogto waxay khatar ku yihiin dadkeenna iyo dalkeenna, waana lagama maarmaan in meel looga soo wadajeesto, sidaasi darteed Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay doorkeeda qaadato oo gacan ka geysato dadaalka kasta oo dalka looga sifeynayo argagixisada” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland.





