Puntland oo walaac ka muujisay saamaynta cunaqabatayntii hubka ee laga qaaday Somalia.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa si adag uga soo horjeestey cunaqabatayntii hubka oo dhawr sano kahor…

5 September, 2026

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa si adag uga soo horjeestey cunaqabatayntii hubka oo dhawr sano kahor laga qaaday Somalia, kadib dhacdadii ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aanay sax ahayn in hub loo fasaxo dowladda federaalka iyadoo aan weli heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaarin Soomaalida, uuna halis ku yahay ammaanka guud ee dalka.

“Waa arrin ku cusub soomaalida in Talyihii Ciidanka Asluubta Gen Shub Gurigiisa Drone ku weerarto, Cunaqabtaynta Hubka in la qaado waa Qalad, Lacagta Daynta in la cafiyo waa qalad Waayoh Soomaalidu Sharci iyo Siyaasad kama heshiin, Hubkii DFS la yiri AS iskaga celiya ayay Dowlad-goboleedyadii u isticmaashay Jubbaland ayaa loo isticmaalay, Puntland ayaa la damcay in la tuujtuujiyo waxba laga qaadi waa, KGS ayaa lagu afgabiyay, Waxay maraysaa in shakhsiyaad la raadsado.” Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Maxamud Caydiid dirir.

Caydiid ayaa sidoo kale xusay weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsaday guriga Taliyihii Ciidanka Asluubta Puntland, Gen. Shub, isagoo sheegay in dhacdadan ay muujinayso khatarta ka dhalan karta hub iyo awood ciidan oo aan lagu heshiin.