Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in shacabku aysan ku kalsoonayn adeegyada caafimaad ee dalkooda iyo deganaanshaha dhulkooda.
Waxa uu sheegay in shacabku aysan kalsooni ku qabin adeegyada caafimaad, qalabka iyo dhaqaatiirta dalka Joogta, iyadoo dadka ugu badan ee ka dhoofaya garoomada Puntland ay u socdaan xaalado caafimaad.
“Dadku waa inay aaminaan in baahidii caafimaad deegaankooda ugu timid oo ay taallo, xilligii aan wasiirka duulista ahaa dadka ugu badan ee garoomada ka dhoofaya waxay u socdeen arrimo caafimaad, waxaa laga yaabaa qofku inuusan iimaansan agabka caafimaad ee deegaankiisa yaalla”, Ayuu yiri Lugatoor.
Waxa uu intaasi ku daray,”Dadkeenna cudur ayaa ku dhacay oo xitaa kuwii tababarta darnaa tuulooyin Kenya kamid ah ayey u sii guurayaan, waxay hadda dibad u aadaanba majirto, horumarka Garoowe in loo soo hayaamo ayey ahayd”.




