Maamulka gobolka Karkaar ee Puntland ayaa walaac ka muujiyey kororka dhalinyarada ku hawlan falalka ammaan xumo…

Maamulka gobolka Karkaar ee Puntland ayaa walaac ka muujiyey kororka dhalinyarada ku hawlan falalka ammaan xumo iyo kooxaha isticmaala maandooriyaha ee degmooyinka gobolkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cusmaan oo ka hadlay kulan ka dhacay degmada Waaciye ayaa sheegay in khatarta ammaan ee gobolka ka jirta ay tahay dhalinyarada kooxaysan iyo isticmaalka maandooriyaha khamriga.
“Meelaha ugu roon ayaan kujirnaa laakiin ciyaalka tooreyada wata iyo dadka khamriga ka ganacsada ayaa siyaado inagu ah, weliba degmada Waaciye waxay kamid tahay meelaha u nugul waayo Sool ayey katimaaddaa khamridu”, Ayuu yiri guddoomiye Cabdi Siciid.



