Puntland oo War ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sanaag.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa soo saartay baaq nabadeed oo ku wajahan…

26 July, 2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa soo saartay baaq nabadeed oo ku wajahan beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sanaag. Wasaaraddu waxay muujisay sida ay uga xun tahay colaadda iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka lana ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay door muuqda ka qaataan daminta colaadda iyo hirgelinta dadaallada nabadaynta. Sidoo kale, waxay dhinacyada dirirtu ka dhexeyso ku boorrisay inay aqbalaan xabbad-joojin degdeg ah, isla markaana fursad siiyaan wada-hadal iyo xal nabadeed oo waara.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay bogaadisay ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaanka ee ku hawlan joojinta dagaalka iyo yareynta khasaaraha shacabka. Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah, lana dhowro qiyamka Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan nabadda iyo is-ixtiraamka.