Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa si adag uga hadlay duqayn maalinimadii shalay deegaanka Jiicanyo oo katirsan degmada…

Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa si adag uga hadlay duqayn maalinimadii shalay deegaanka Jiicanyo oo katirsan degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag, lagula beegsaday mid kamid ah nabadoonada deegaanka.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag Aadan Axmed Cali ayaa sheegay in diyaarado nooca dagaalka ah ay saddex gantaal ku dhufteen gaari uu saarnaa Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, gelinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd.
“Duqayntaasi oo lala beegsaday nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, waxay shalay gelinkii dambe dadka deegaanka Urur & Jiicanyo ku soo wargeliyeen ciidanka booliska in duqayni ka socoto wadada isku xirta degmooyinka Ceel-buh iyo Badhan, goobta waxaan ugu tagnay gaarigii iyo meydkii oo isku gubtey, baaris dheeraad ah ayaa lagu ogaadey in marxuumka oo kaligiis watey gaari noociisu yahay Raaf, waxaa diyaaradi la beegsatay saddex gantaal”, Ayuu yiri Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag Aadan Axmed Cali.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in nabadoonku uu beryahaan ku sugnaa Boosaaso oo uu kaga qaybgalay kulamadii dowladda iyo bulshada gobolada Sanaag iyo Haylaan, waxaana goobta laga samayn doonaa baaritaan dhammaystiran, sida ay laamaha ammaanku sheegeen.



