Puntland oo war ka soo saartay khilaafka golaha deegaanka Galkacyo.

22 July, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa sharci darro iyo waxkama jiraan ku sheegtay…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa sharci darro iyo waxkama jiraan ku sheegtay xilka qaadis ay xubno katirsan golaha deegaanka degmada Galkacyo ku sheegeen inay ku sameeyeen duqii degmada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyadoo fulinaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Dawladda Puntland ee ay ku dhisanyiyiin Degmooyinka iyo Goleyaasha Deegaanka, waxay caddaynaysaa in go’aankii ka soo baxay xubnaha Golaha deegaanka ee shalay ku shiray magaalada gaalkacyo ee sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo uusan ahayn mid waaafaqsan shuruucda lagu maamulo Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Sidaa daared, uu yahay go’aankii ay soo saareen mid aan sharciga waafaqsanayn waxba kama jiraanna ah.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixtaacaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7, Cutubkiisa 6-aad, Qodobkiisa 66-aad, farqaddiisa 3-aad, waxay ugu baaqaysaa xubnaha Golaha Deegaanka iyo maamuka Degmadaba in ay dhawraan hannaka kala dambaynta Dawliga ah aynu u diyaar garoobaan qabashada kalfadhiga golaha Deegaanka Degmada oo ay Wasaaraddu soo shaacin doonto waqtiga ku habboon.