Taliska guud ee Ciidamada difaaca Puntland ayaa war ka soo saaray tallaabadii ay dowladdu maanta kula…

Taliska guud ee Ciidamada difaaca Puntland ayaa war ka soo saaray tallaabadii ay dowladdu maanta kula wareegtey xeradii ciidanka PSF ee dhawaan ku biiray dowladda federalka ah ee Somalia ay ku lahaayeen Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabada lagula wareegey xerada Boosaaso ay qayb ka ahay hawlgallo maalinimadii shalay ka bilowday Magaalada Galkacyo oo ay xukuumadda Puntland sheegtay inay ku beegsanayso dhammaan ciidamada aan katirsanayn kuwa dowladda ee ku sugan gudaha Puntland.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ugu baaqay dhammaan ciidamada iyo shaqsiyaadka hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isku soo dhiibaan Dawladda Puntland, kana faa’iidaystaan fursadda ay ugu soo laaban karaan nidaamka sharciga.
Dhanka kalena, Puntland ayaa digniin u dirtay cidkasta oo soo dhaweysa ama gabbaad siisa ciidamada hubaysan ee ka baxaya deegaamada Puntland, iyadoo war-saxaafadeedka lagu sheegay in loola xisaabtami doono si sharciga waafaqsan.




