Puntland oo war ka soo saartay xiisadda ka taagan Magaalada Muqdisho.

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu maanta shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas…

4 June, 2026

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu maanta shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadaha ka taagan Muqdisho iyo muranka la xiriira doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro la sheegay inay ciidamada dowladda federaalku ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Puntland ayaa sheegtay in mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhasha dhacdooyinkaas uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Puntland oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan colaado, xasarado iyo tallaabooyin sii hurin kara xiisadda taagan. Waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay muujiyaan deggenaansho isla markaana ka fogaadaan falal keeni kara amni darro iyo qalalaase.

Gabagabadii, Puntland waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan in si degdeg ah loo qabto shir wadatashi qaran oo ay kasoo qayb galaan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si heshiis looga gaaro hannaanka doorashooyinka, loona ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo amniga dalka.