Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo Hani…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo Hani Maxamuud Budul oo muddo ugu xirnayd lacago dayn ah oo ay ku gashay hawlo ganacsi.
Duqa degmada Garoowe Geeddi Axmed Tuurre oo ka wakiil ah Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ballanqaaday bixinta lacagta deynta ah ee lagu yeeshay Hani oo ahayd 13.059$ oo dollar.
Madaxweyne Deni wuxu sidoo kale amray in ciqaab adag la mariyo maxaabiis ay Hani xabsiga isku xirnaayeen oo gaarsiiyey dhaawacyo fudud xilli ay dirir dhexmartay.
Hani Maxamuud Budul oo ka soo jeedda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaan codsatay in laga bixiyo lacagaha daynta ah ee lagu lee yahay.



