Puntland oo xabsiga u taxaabtay 2 haween ah oo ku eedaysan jirdilka gabar aan qaangaadhin.

Ciidanka Booliska Puntland, kuwa saldhigga dhexe ee Magaalada Qardho ayaa gacanta ku soo dhigay Maymuun Sharmaake…

8 September, 2026

Ciidanka Booliska Puntland, kuwa saldhigga dhexe ee Magaalada Qardho ayaa gacanta ku soo dhigay Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur, oo ah laba eedeysane oo loo haysto jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar carruur ah.

Muuqaal laga helay dhacdada ayaa muujinaya gabar carruur ah oo loo geysanayo fal jirdil iyo tacaddi, iyadoo dhacdada muuqaal laga duubayay uu falcelin xooggan iyo qayladhaan ka abuuray baraha bulshada, cadaadisna lagu saaray laamaha ammaanka inay tallaabo ka qaadeen eedaysanayaasha kiiska.

Booliska Puntland ayaa digniin u diray cid kasta oo duubta, faafisa ama dib u baahisa muuqaallo muujinaya jirdil, tacaddi ama falal anshax-xumo ah, gaar ahaan kuwa la xiriira carruurta, iyagoo dadweynaha ugu baaqay inaysan sii faafin muuqaallada noocaas ah, balse ay xogta la xiriirta dhacdooyinka noocaas ah si toos ah ugu gudbiyaan hay’adaha amniga.