Puntland oo xeer adag ka samaysatay la Dagaalanka Argagixisada.

Puntland ayaa yeelatay xeer cusub oo lagu magacaabo Xeerka La dagaallanka Argagixisada ka dib markii uu…

18 October, 2025

Puntland ayaa yeelatay xeer cusub oo lagu magacaabo Xeerka La dagaallanka Argagixisada ka dib markii uu saxiixay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Xeerkan ayaa horey u ansixiyay Baarlamaanka Puntland dabayaaqadii bishii Luulyo 2025.

Xeerkan cusub ayaa u oggolaanaya hay’adaha amniga Puntland inay qaadaan tallaabooyin gaar ah, sida in ay galaan guri ama goob uu ku sugan yahay qof la tuhunsan yahay iyaga oo aan wadan amar garsoore iyo sidoo kale in ay dhegaysan karaan taleefannada dadka looga shakiyo inay ku lug leeyihiin falal argagixiso.

Xeerkan ayaa sidoo kale dhigaya ciqaab adag oo ka dhan ah cid kasta oo ka tirsan ama gacan siisa kooxaha argagixisada, iyadoo lagu xukumi karo 20 sano oo xabsi ah ama dil toogasho ah. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in la yareeyo ama laga hortago in kooxaha argagxisada saamayn ku yeeshaan gudaha Puntland.

Puntland ayaa haatan ku jirta dagaal culus oo ka dhan ah ururka Daacish, kaas oo muddo sanado ah ku sugnaa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo haatan ay Puntland guul ka gaartay inta badan dhulkii ay ku sugnayd kooxdan.