Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa furay tababar feer-celin…

Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa furay tababar feer-celin ah oo loo qabanayo Ciidanka Birmadka Booliska iyo Ciidanka SPU ee hore uga howlgalayay deegaannada Puntland.
Tababarkan ayaa lagu tayeynayaa aqoonta, xirfadaha iyo heerka diyaar-garowga ciidamada, iyadoo ujeeddadu tahay in la kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada amni ee ay u hayaan guud ahaan shacabka iyo dowladda Puntland.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Hoggaanka Tababarka, Hoggaanka Ciidanka, Taliyaha Kulliyadda Carmo iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, oo dhammaan muujiyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada si joogto ah loo tababaro si ay ula jaanqaadaan baahiyaha amni ee isbeddelaya.
Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iidaystaan mudada tababarka, isla markaana ay xoojiyaan anshaxa, kartida iyo xirfadaha shaqo ee looga baahan yahay ciidamada amniga. Wuxuu tilmaamay in tayada ciidanku ay door weyn ka qaadato sugidda nabadda, ilaalinta shacabka iyo la dagaallanka khataraha amni ee ka jira deegaannada Puntland.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa dhankiisa caddeeyey in tababarrada noocan oo kale ah ay laf-dhabar u yihiin horumarinta awoodda ciidamada, kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo xoojinta amniga guud. Sidoo kale, wuxuu xusay in sii wadidda barnaamijyada tababarka ay gacan ka geysanayso adkaynta xasilloonida iyo amniga Puntland.





