Maamulka gobolka Bari ayaa soo saaray awaamiir hor leh oo la xiriirta hawlgalka dabar-goynta Daacish ee…

Maamulka gobolka Bari ayaa soo saaray awaamiir hor leh oo la xiriirta hawlgalka dabar-goynta Daacish ee Cal-miskaad iyo ka hortagga dhammaan ficilada lagu waxyeelaynayo deegaanka.
Taliska qaybta booliska gobolka Bari, Maamulada degmooyinka iyo guddoonka gobolka Bari oo shir ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in la mamnoocay gubista iyo ka ganacsiga dhuxusha, si loo ilooga hortago xaalufka deegaanka.
Dhanka kalena, Masuuliyiinta ayaa ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya 30 Nov 2025 aan xijiga laga guran karin xoolahana la daaqsan karin guud ahaan deegaamada dagaaladu ka socdaan ee gobolka Bari.
“Waxaa amar lagu bixiyey goobaha dagaalku ka socdo inaan Xiji laga guri karin xoolahana la daajin karin si ammaankooda loo xaqiijiyo, waxaan ku celinaynaa ciddii dambe ee lagu arko inay mas’uuliyadda qaadayso, kuwa dhuxusha guba ee argagixisada raashinka u gudbinayana waa laba dambi”, Ayuu yiri guddoomiye Shaah-doon.



