Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntlan H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Bini’aadantinimada oo…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntlan H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Bini’aadantinimada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland.
Xuskan oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socday qaar ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ayaa looga hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen iyo xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee ka dhexeeya Wasaarada iyo Hay’addaha bini’aadantinimo ee dalka ka hawlgala.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay in la kordhiyo gurmadka dadka ay abaartu saamaysay, gaar ahaan kuwa ku barakacay deegaanada Calmiskaad iyo Ceerigaabo, isaga oo ugu baaqay in Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah in ay door muuqda ka qaataan sidii loo gaarsiin lahaa Gargaar deg deg ah dadka nugul.






