Dowladda Puntland ayaa sare u qaaday diyaar-garowgeeda amni ee gobolka Mudug, iyadoo la sheegay inay halkaas…

Dowladda Puntland ayaa sare u qaaday diyaar-garowgeeda amni ee gobolka Mudug, iyadoo la sheegay inay halkaas ku ururisay cudud ciidan, isla markaana isbeddel ku samaysay hoggaanka Taliska Ururka Gadaale ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli gobolka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo amni iyo feejignaan la xiriirta xaaladda deegaanka.
Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Taliska Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, kuna taariikhaysan 22-ka Luulyo 2026, ayaa lagu shaaciyey magacaabista saraakiil cusub oo hoggaamin doona Ururka Gadaale ee Qaybta 60-aad ee gobolka Mudug. Wareegtada ayaa lagu sheegay in isbeddelkan uu qayb ka yahay dib-u-habayn lagu sameeyey taliska cutubkaasi.
Sida ku cad wareegtada, Dhamme Maxamed Cali Aadan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ururka Gadaale ee Qaybta 60-aad ee Mudug, halka Laba Xidigle Axmed Qorane Maxamuud loo magacaabay Abaanduulaha Ururka Gadaale ee Qaybta 60-aad. Labada sarkaal ayaa loo xilsaaray hoggaaminta iyo isku-dubaridka howlaha ciidamada ee qaybtaasi.
Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sidoo kale faray dhammaan qeybaha ay khusayso inay si buuxda ula shaqeeyaan saraakiisha cusub, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda ciidan. Wareegtada waxaa saxiixay S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.





