Puntland oo xukun ku riddey 7 nin oo lagu helay katirsanaanshaha Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday xukunka 7 nin…

29 September, 2026

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday xukunka 7 nin oo lagu helay inay kamid yihiin kooxda nabaddiidka ah ee Alshabaab, ayna gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka dowladda Puntland.

Garmaqalka kiiska eedaysanayaasha oo qaatay dhawr fadhiya ayaa lagu shaaciyey in lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Alshabaab, waxaana 6 kamid ah lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah halka mid kalena lagu xukumay 25 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa Cabdulqaadir Cali Maxamed, Cabdinuur Axmed Cali, Yuusuf Cali Mataan, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cali, Maxamed Cabdikariin Jaamac iyo Cumar Barkhadle Afrax ku riddey xukun 15 sano oo xabsi ciidan ah halka Xariir Axmed Xasan Bile, 25 sano oo xabsi ciidan ah.