Puntland oo xukun ku riddey askari jirdil geystey.

13 March, 2025

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku riddey Cabdifataax Cabdinuur oo ku eedaysnaa…

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku riddey Cabdifataax Cabdinuur oo ku eedaysnaa jir uu u geystey wiil yar oo kamid ahaa qaxootiga Yemen ee kunool magaalada Garoowe.

Cabdifitaax Cabdinuur oo kamid ahaa askarta madaniga ah ee ka hawlgala suuqa ganacsiga garoowe ayaa maalmo kahor ka soo muuqday baraha bulshada isagoo jirdil u geysanaya wiilka yar, taasi oo sababtay in ugu dambayn xabsiga loo taxaabo maantana maxkamad la soo taago.

Maanta oo uu maxkamadda ka soo muuqday ayaa lagu xukumay 4 sano oo xarig ah, $1500 oo Magdhaw ah maskaxeed ah, Raaligalin & inuusan xarumaha dadweynaha waxba shaqo ka qaban karin.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa si xoogan uga horyimi habdhaqankii uu ku dhaqmay Cabdifataax, waxaana la mariyey Hay’addaha sharciga, iyadoo wiilka Ajnabiga ahna la maamusay, si looga raali galiyo falkii ka dhanka ahaa xaquuqda aadanaha.