Puntland oo xustay tobaadka cagaarinta.

17 April, 2025

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa lagu qabtay kulamo iyo dhaqaaqyo lagu xoojinayo taageerada asbuuca dhiraynta…

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa lagu qabtay kulamo iyo dhaqaaqyo lagu xoojinayo taageerada asbuuca dhiraynta iyo cagaarinta deegaanka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka Puntland.

Xubno katirsan golaha xukuumadda Puntland oo ka qaybgalay xuska todobaadka dhiraynta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey baraarugga bulshada ee ilaalinta deegaanka, waxayse sheegeen inay weli taagan tahay khatarta xaalufka dhirta iyo kutiirsanaanta xilli roobaadka.

“Waxaan ku boorriyay iskuullada aan booqannay in barbaarinta deegaanka iyo ilaalinta noolaha lagu daro manhajka waxbarasho, si ardaydu u helaan aqoon ku saleysan daryeelka deegaanka iyo fahamka muhiimadda dhirta. Jiilka cusub waa furaha isbeddelka waara ee deegaanka.” Sidaasi waxaa yiri wasiirka deegaanka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

“Sidoo kale, waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dadaalka ay wadaan shacabka deegaanada Puntland, gaar ahaan gobollada Sanaag iyo Haylaan, oo tusaale u ah sida bulsho u mideysan ay ugu istaagi karto ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.” Ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan.