Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qaybgalay shirweyne looga arrinsanayo sumadaha ganacsiyada iyo…

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qaybgalay shirweyne looga arrinsanayo sumadaha ganacsiyada iyo ilaalinta xuquuqaha Magac ee ganacsiyada kala duwan.
Xeerkaan oo soo maray golayaasha dowladda ayaa kusoo baxay faafinta rasmiga ah wuxuuna dhaqan galay markuu Madaxweynuhu sixiixay. Xeerkaani wuxuu muhiimad wayn u leeyahay ganacsatada waxaana ka mid ah qodobadan soo socda:
1- Ilaalinta iyo damaanad qaadka Summada Ganacsiga mudo dhan 10 sano oo loo diiwaangaliyay si waafaqsan xeerka Summadaha
Ganacsiga Dowlada Puntland.
2. In la dhiirigaliyo hal-abuurka iyo ganacsiga ku dhisan tartanka furan ee Cadaalada ah.
3. Hubinta iyo Ilaalinta tayada badeecooyinka iyo adeegyada ganacsi ee Gudaha Puntland.