Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyoodey 2 kalena waa ku dhaawacmeen, mid ka mid…

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyoodey 2 kalena waa ku dhaawacmeen, mid ka mid ahna uu dhaawaciisu yahay mid culus, kaddib dhacdo ku dhacday maxaabiistii burcad-badeedda ahayd ee lagu qabtay markabka MTT-SIBU1, xilli ay marayeen agagaarka degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal.
Waxaa la xaqiijiyey inay goobta ka baxsadeen 13 kamid ah kooxdii maxaabiista ahayd, xilli laga soo qaaday deegaanka Garaacad, loona wadey xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal degmada Garoowe.
Maxaabiista kooxda burcad-badeedda ah ee lagu qabtay hawlgalkii badweynta Hindia ayaa gelinkii hore ee shalay laga soo dejiyey dekedda Magaalada Garacad ee gobolka Mudug.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib hawlgalkii ciidamada Puntland ay kula wareegeen markabka MTT-SIBU1, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo lagu faahfaahinayo sababta dhimashada iyo dhaawacyada, iyo sidoo kale sida ay 13-ka maxbuus uga baxsadeen gacanta ciidamada, iyadoo la sugayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dhacdada.




