Puntland: Saadaasha xaddiga roobka gu’ga ayaa aad u hoosaysa.

17 February, 2025

Xarunta kaydisa xogta dhulka ayaa saadaal ay ka soo saartay ku sheegtay suurtagalnimada inuu yaryahay xaddiga…

Xarunta kaydisa xogta dhulka ayaa saadaal ay ka soo saartay ku sheegtay suurtagalnimada inuu yaryahay xaddiga roobka Gu’ga ee lafilayo inuu ka da’o gobolada Puntland.

Xogtaan ayaa muujinaysa in degmooyinka Qardho, Carmo, Qandala, iyo Caluula ay heli karaan 40% roobab xadi ahaan caadi ah sida ku cad khariidaddaan saadaaleed ee roobka gu’ga ee gobolada Bariga Soomaaliya.

Dhanka kalena, khariidadda ayaa muujinaysa in marxaladda heerkulka ee Puntland ay siyaadi karto 75%, maadaama xaddiga roobku gu’ugu aad u hooseeyo isla markaana deegaamada qaar aysan ka di’in roobabkii daryta ee lafilayey.