PUNTLAND: Siyaasiyiin war ka soo saaray xiisadda ka taagan dooxada Kodmo.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa War-murtiyeed ka soo saaray xiisadda ka taagan…

13 August, 2026

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa War-murtiyeed ka soo saaray xiisadda ka taagan deegaanka Kodmo ee degmada Rako-raaxo, gobolka Karkaar, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah oo nabadeed loo soo afjaro khilaafka.

Waxa ay golaha xukuumadda Puntland kula taliyay in xal u helista arrinta laga tashado odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, si loo helo waddo nabadeed oo lagu dejin karo xiisadda, loogana hortago inay xaaladdu isu beddesho iska-hor-imaad hubaysan.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado dhiig daata iyo colaad hor leh oo ka dhacda Puntland, gaar ahaan iyadoo deegaanka uu horey u soo maray xaalado amni iyo khilaafaad u baahan in lagu wajaho wadahadal iyo is-afgarad.