Puntland “Waxaan u gurmanaynaa shacabka reer Hiiraan ay dowladda federaalka Dayacday”

2 August, 2025

Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa markuu ka hadlaya munaasabada xuska 1da Agoosta waxa…

Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa markuu ka hadlaya munaasabada xuska 1da Agoosta waxa uu ku sheegay in ay Puntland garab saatagayso dagaalka ay shacabka reer Hiiraan kula jiraan kooxda Alshabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dayacday shacabka gobolkaas oo sanadihii u dambeeyey dagaal xoogan kula jiray kooxda Alshabaab, waxaana ay kaga guuleysteen inay deegaano badan ka qabsadaan Alshabaab.

Cabdifitaax ayaa xusay in ay garab istaag hub iyo mid ciidanba ay u muujinayaan shacabkaas waxaana uu sheegay in dhaqso dowladda Puntland u fulinayso balan qaadkeeda.

” Dadka Reer Hiiraan ee ay Dowladda federaalku Dayacday Waxaan leenahay Puntland baa garabkiina ayay taagan tahay ayadoo ficil ahna goordhow ayaad arki doontaan” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Puntland.

Gobolka Hiiraan ayaa gobolkii ugu horeeyey ee ay ka bilaamaan maleeshiyaadka macawisley kuwaas oo la dagaalamay Alshabaab, bilahii u dambeeyey waxay ku kaliyoobeen dagaalka iyadoo meesha ka baxeen ciidamada dowladda ee ka barbar dagaalami jiray iyo saanadii lagu taageeri jiray, waxaana ka dhashay in dib uga soo gurtaan deegaano ay horay u joogeen macawislyeda reer Hiiraan.