PUNTLAND,”Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu cadaw ku yahay dowlad dhiska dalka”.

2 August, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu caqabad…

Xukuumadda Puntland ayaa madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu caqabad ku yahay hanaanka dowlad dhiska iyo dowladnimo ay hesho Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa, oo la hadlay boqolaal kamid ah shacabka Puntland ayaa sheegay in DFS ee ay dhiigga iyo tacabka geliyeen reer Puntland ay joogto meel aan laga filayn.

Waxa uu sheegay in madaxdii Soomaaliyeed ay caqabad ku yihiin dowlad dhiskii dalka ayna falal ammaan xumo ka abuurayaan deegaamada nabdoon, xilli shacabku la daalaa-dhacayaan dagaalada argagixisada looga soo horjeedo.

“Dowladdii aan aasaaska u ahayn oo dhiig iyo dheecaan gelinay ma ahan middii la sugayey, waxaa timid xukuumad dadka kala qaybinaysa oo qalalaase abuuraysa, dowladda Xasan Sheekh waa cadawga dowlad dhiska, 8 bilood ayaa u haray Xasan Sheekh guntiga hala adkaysto”, Wasiir Juxaa.