PUNTLAND,”Mashruucii KHATUMO waxaa gacanta loo geliyey kuwii xabadda ka ridey Garowe”.

18 July, 2025

Wasiirka caddaaladda dowladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa ku eedeeyey hoggaanka maamulka SSC KHATUMO in qorshihii dhammaystirka…

Wasiirka caddaaladda dowladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa ku eedeeyey hoggaanka maamulka SSC KHATUMO in qorshihii dhammaystirka dhismaha maamulkaasi laga dhigay masharuuc siyaasadeed oo gacanta loo geliyey DFS.

Waxa uu sheegay in mashruucii Puntland laga afduubay dadkii u soo dhintay isla markaan ay Xamar la aadeen shaqsiyaad Garoowe xabad ka riddey xilligii halgankana ku sugnaa Magaalada Hargaysa.

“Firdhiye GAROWE waa diiday in uu yimaado Xamar oo Puntland dagaal kula jirtana 7 Jeer ayuu aaday annaga oo leh ka joog, Kuwii GAROWE weeraray oo xabadda ka riday islamarkaasna ahaa gafanayaal la daadiyay iyo Kuwii Somaliland ka yimid ayaa afduubay dowlad dhiskii SSC KHATUMO, waxaana laga dhigay mashruuc siyaasadeed”, Ayuu yiri Wasiirka caddaaladda Puntland.

“Haddii labo qof shirkad isku darsato oo mid yiraahdo waxaan la bixin xoolahaygii qofka kale wuxuu xaq uleeyahay in uu yiraahdo aan wada fariisano oo aan xisaabtano marka Puntland waxay taagantahay horta aan xisaabtano”, Ayuu yiri markale Wasiirka Caddaaladda Puntland.