Putin ayaa saxiixay sharciga heshiiska iskaashiga Ruushka iyo Iran

21 April, 2025

Heshiis istaraatiijiyadeed oo 20 sano ah ayaa bishii Janaayo lagu saxiixay magaalada Moscow, heshiiskaas oo ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Ruushka horaantii bishaan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii saxiixay sharci ansixinaya heshiis istiraatijiyadeed oo iskaashi oo ay kala saxiixdeen Moscow iyo Tehran horaantii sanadkan.

Dukumeentiga ayaa lagu daabacay bogga dawladda Ruushka.

Saxiixa sharcigan ayaa daba socda ansixinta heshiiska golaha federaalka, aqalka sare ee baarlamaanka Ruushka. Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka, ayaa sidoo kale ansixiyay heshiiska 8-dii Abriil.

17-kii Jannaayo, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa magaalada Moscow ku kala saxiixday heshiis istiraatijiyadeed oo dhan 20 sano ah.

Putin ayaa sheegay iskaashiga laba geesoodka ah ee muddada dheer ee u dhexeeya Moscow iyo Tehran ee qaybaha kala duwan, inay ku jiraan ganacsiga iyo maalgashiga.

Horseed Media