Putin: Ciidamada reer galbeedka ee gudaha Ukraine jooga waa ‘bartilmaameedyo sharci ah’

Ruushka wuxuu u arkaan soo gelinta millatari kasta oo reer galbeedka ah oo la geeyo Ukraine khatar waxana ay u arki doonaan “bartilmaameedyo sharci ah oo la weerari karo.”

5 September, 2025

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka digay fikradda ah in ciidamada reer galbeedka oo la geeyo Ukraine, wuxuuna sheegay in loo arki doono khatar iyo “bartilmaameedyo sharci ah.”

Xulafada reer galbeedka ayaa ballan qaaday in ciidamo la geynayo Ukraine taas oo qayb ka ah dammaanad qaadyada amniga dalkaas.

“Haddii ciidamada qaar ay ka soo muuqdaan Ukraine, gaar ahaan hadda oo lagu jiro hawlgallada milatari, waxaan xaqiiqda ah inay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah oo la burburin karo,” Putin ayaa ka sheegay kulanka madasha dhaqaale ee Vladivostok.

“Haddii la gaaro go’aamo horseedaya nabad waarta, markaas anigu ma arko wax macno ah joogitaankooda dhulka Ukraine,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa ku dooday in isballaarinta NATO ay tahay mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee ay u galeen Ukraine, isaga oo u arkay balaadhinta isbahaysiga ee bariga mid khatar ku ah ammaanka Ruushka.

Dhinaca kale, Ukraine ayaa xalay weerar ku qaaday warshad saliidda sifaysa oo Ruushku leeyahay.

Taliyaha ciidamada Drones-ka ee Ukraine ayaa sheegay in warshada saliidda sifeysa ee Ryazan ee Ruushka – oo ku taal meel 180 kilomitir koonfur-bari ka xigta magaalada Moscow – ay duqeeyeen.