Putin oo aqbalay in 30 maalmood uu hakad ku sameeyo weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee Ukraine

18 March, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadii ku heshiiyey in 30 maalmood la joojiyo duqeymaha Ruushka ee kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa Talaadadii ku heshiiyey joojinta weerarrada Ruushka ee ka dhanka ah bartilmaameedyada tamarta Yukreeniya – laakiin waxay aad uga gaabiyeen in la helo xabbad-joojin buuxda.

Hogaamiyeyaasha Maraykanka iyo Ruushka ayaa wadahadlay in ka badan saacad iyo bar, waxayna labaduba rajo ka muujiyeen in la hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirin wax heshiis ah oo uu madaxweynaha Ruushka ka gaaray soo jeedintii Washington ee xabbad-joojin buuxda oo 30 maalmood ah.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu aqbalay in la hakiyo duqeymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada tamarta ee Ukraine muddo 30 maalmood ah iyo in Putin uu horay u siiyay amarka milatarigiisa. Aqalka Cad ayaa si gaar ah u sheegay in “hogaamiyeyaasha ay isku raaceen in dhaqdhaqaaqa nabada uu ku bilaaban doono xabbad joojin tamar iyo kaabayaasha”.

Ruushka ayaa weeraro ba’an oo isdaba joog ah ku qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine intii uu socday dagaalkii saddexda sano socday. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Kremlin-ka, Ukraine – oo duqeysay xarumo badan oo saliida Ruushka ah – ayaa sidoo kale ogolaatay xabbad joojinta bartilmaameedyada tamarta, in kasta oo Kyiv si rasmi u shaacin.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in wadahadalo xabbad-joojin ah oo ballaadhan “uu si degdeg ah uga bilaabmi doono bariga dhexe”, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Aqalka Cad.

Laakiin bayaan ka soo baxay Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in “xaalad muhiim ah” oo nabadeed lagu soo afjari doono taageerada militariga iyo sirdoonka reer galbeedka ee militariga Ukraine.