Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Isniintii sheegay in Moscow ay ka jawaabi doonto weerarrada Ukraine ay…

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Isniintii sheegay in Moscow ay ka jawaabi doonto weerarrada Ukraine ay ku qaaday dhulkeeda iyadoo fulin doonta weerarro aargoosi ah oo uu ku tilmaamay inay noqon doonaan kuwo “dhowr jeer ka xoog badan”, isaga oo intaa ku daray in baaxadda jawaabahaas ay sii kordhi doonto.
Saddex ilo oo ku dhow Kremlin-ka ayaa toddobaadkii hore u sheegay Reuters in Putin uu diiday baaqyada lagu doonayay in nabad lagala xaajoodo Ukraine.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in weerarradii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Ukraine ku qaaday warshadaha sifaynta shidaalka iyo dekedaha Ruushka ay sii xoojiyeen go’aankiisa ah inuu dagaalka sii wado waqtigan.




